Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo Xabsiga la dhigay iyo Faah faahino kasoo baxaya Sababta loo xiray

Published on 16 March 2013 at 19:45

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo Xabsiga la dhigay iyo Faah faahino kasoo baxaya Sababta loo xiray



Sida ay cadadkoodii maanta ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ciidamada maamulkaas ayaa shalay ka xiray garoonka dayuuradaha magaalada Berbera wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumada Somalia C/shakuur Cali Mire.

Wargeysyadaan oo soo xiganaya saraakiil magacooda diiday in laxigto oo ka tirsan maamulka Siilaanyo ayaa daabacay in C/shakuur Cali ay shalay ka dejisay diyaarad garoonka Berbera halkaasoo uu Transit ku ahaa isagoo fariistay qeybta VIP-da ee garoonkaasi oo uu ku sugayey diyaarad maanta u soo qaadi laaheyd magalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

wasiirka ayaa isaga oo fadhiya VIP-ada waxaa u yimid ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ka dibna ay u taxaabay xabsi ku yaala gudaha magaalada Berbera, iyadoo saraakiisha maamulka Somaliland ee warkaan laga soo xigtayna ay sheegeen in amarka ay ku xireen ninkaas uu kaga yimid xafiiska Siilaanyo.


C/shakuur Cali Mire ayaa mudooyinkana safar ugu maqnaa dalal ka tirsan caalamka gaar ahaan qaarada Yurub oo uu kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan iyo madax kale.

Lama oga go’aanka ay Somaliland ka qaadan doonto wasiir ku-xigeenka ka tirsan xukuumada Somalia ee u xiran, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in laga yaabo maanta in la sii daayo ka dib xiriiro illaa xalay u socday madax ka tirsan dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.

Xiriiro aana la sameynay madaxda wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia si aanu wax uga ogaano xariga wasiir ku-xigeenkeeda ayaa suuragal noqon waayey inaano warar dheeraad ah ku helno, hase ahaatee dhowaan ayey aheyd markii degaanada Somaliland lagu xiray xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo booqanayey qoyskiisa inkastoo markii dambe la soo masaafuriyey ganaax lacageedna laga qaaday.

QAWMEDIA,COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

mxd carab
12 years ago

wa ariin u bahaan in laga jawaabo mamuulka hargeeysane lagula xisaab tamo

Create Your Own Website With JouwWeb