Wasiirka maaliyada xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ganacsatada si aan horay loo arag ugu goodiyay.

Published on 16 March 2013 at 19:41

Wasiirka maaliyada xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ganacsatada si aan horay loo arag ugu goodiyay.



Wasiirka wasaaradda maaliyada iyo qorsheynta ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta shirkadaha duulmaadyada ee kahowl gala magaalada Muqdisho iyada oo ajandaha ugu weyn kulankaasi uu ahaa canshuuraadka laga doonayo in ay bixiyaan wadiiqadii looga qaadi lahaa.

Kulanka kadib ayaa wasiirka oo lahadlay saxaafada waxa uu shaaciyay in ganacsatada laga doonayo in ay sida ugu wanagsan u dhiibaan canshuuraadka, ganacsadihii bixi waayana lacagaha canshuuraadka ah ee dowladu kadooneyso in uu lakulmi doono cawaaqibteeda.



"Qofkii lacagta bixi waaya waa laxirayaa, ganaax ayaa laga qaadayaa in shatiga ganacsi laga qaadana waa imaaneysaa", sidaa waxaa ku goodiyay Wasiirka maaliyada Soomaaliya.


Hadalka wasiirka ayaa u muuqda mid ku yimid dhega adeeg ka yimid ganacsatada oo waayihii danbe ku shaqeysanayay canshuur la’aan iyo nidaam darro oo diiday in ay nidaamka raacaan sidaa darteedna khasab wax looga qaadayo.

Dhanka kale, waxaa Muqdisho soo gaaray wasiir kuxigeenka wasaarada Warfaafinta Cabdi Shakuur Cali Mire oo maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen shalay kadib markii ay ka watateen Police-ka Somaliland gegada diyaaradaha Berebera.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb