Hub badan oo lagala baxay gudaha Madaxtooyada Villa Somalia iyo Saraakiil katirsan Dowlada oo la xiray(Top News)

Published on 16 March 2013 at 19:38

Hub badan oo lagala baxay gudaha Madaxtooyada Villa Somalia iyo Saraakiil katirsan Dowlada oo la xiray(Top News)



Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in bakhaar ku yaala gudaha Madaxtooyada lagala baxay oo laga xaday hub badan oo yaalay kuna keedsanaa .

Ilo kusugan Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay jiritaanka in Hub u badnaa Rasaasta Hoobiyaasha iyo hub kale oo yar yar habeenkii xalay la qabtay xili si qarsoodi ah loogala baxayay Bakhaar ee ku xareesnaayeen hub badan oo loogu tala galay Madaxtooyada.

Waxaa soo baxayay Warar kale oo sheegaya in marar kala duwan in hub lagala baxay Bakhaar ku keedsanaa Hubka oo ku yaala madaxtooyada Inkastoo xatooyada Hubka ee soo shaac baxday habeenkii xalay ahaa markii la qabtay Hub si xatooyo ah looga bixinayo Bakhaarka.

Madaxweynaha Somalia ayaa lasoo tabinayaa in maanta uu kormeeray Bakhaaradii laga xaday Hubka ee ku yaala Gudaha Madaxtooyada Villa Somalia inkastoo uusan madaxweynaha wax war ah kasoo saarin amuurtan.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Saraakiil katirsan Madaxtooyada gaar ahaan kuwa qaabilsanaa ilaalada Hubka ee Madaxtooyada in loo xiray tuhun la xariira Hubka laga xaday Bakhaarka ku yaala Madaxtooyada Villa Somalia.

Dad badan ayaa is weediinaya halka la geeyay Hubkan laga Xaday Bakhaarka kuyaala Madaxtooyada iyadoona Tuhuno laga qabo in hubkaasi si qarsoodi ah looga iibiyay Al-Shabaab maadama eesan xiligan jirin cid kale oo Hub iibsaneysa.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb