Mid kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo caawa ka badbaaday Weerar lagu dili lahaa iyo mid kamid ah ragii Weeraray oo la qabtay
Kooxo Dhalinyaro ah oo watay bambaanooyin ayaa caawa waxa ee weerareen Guriga uu dagan yahay Gudoomiyha Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal)
Dhalinyaradan oo la sheegay in ay ahaayeen ilaa labo Wiil oo Dhalinyaro ah ayaa Bambaanooyin ku weerareen Guriga Gudoomiyaha Degmada Waabari iyadoona Bambaanooyinkaasi ee ku dhaawacmeen dhoor qof oo rayid ahaa oo dagnaa kasoo horjeedka Guriga Gudoomiyaha
Degmada Waabari.
Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay Weerarkan lagu doonayay in lagu Qaarajiyo ayaa sheegay in eesan jirin wax qasaaro ah oo kasoo gaaray isaga iyo ciidankiisaba balse ee dhaawacyo kasoo gaareen dad rayid ah oo daris lahaa eena kujiraan Dad waayeelo ah.
Gudoomiyaha ayaa xusay in mid kamid ah Ragii Bamka kusoo weeraray la qabtay isaga oo bambaano kale gacanta ku wata iminkana lagu wado baaritanao sidoo kale uu baxsaday ninkii kale ee isna Weerarkan bambaano caawa wax ka fuliyay.
Qaraxyada Bambaano ayaa ahaa kuwo waayadan ku yaraa Magaalada inkastoo taa badalkeeda ee Muqdisho kusoo kordheen Dilal nuuc cusub ah oo dadka inta la dilo hadana la dhigayo xaafadaha qaar si looga argagaxo.
QAWMEDIA.COM MUQDISHO
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments