Daawo Sawirada Odayaal si Kulul uga hadlay Cabsi Galinta lagu hayo Shacabka ku dhaqan Degmo kamid ah Gobolka Banaadir

Published on 14 March 2013 at 16:40

Daawo Sawirada Odayaal si Kulul uga hadlay Cabsi Galinta lagu hayo Shacabka ku dhaqan Degmo kamid ah Gobolka Banaadir



Qaar kamid ah Odayaasha dhaqna Beesha Murusade ayaa si kulul uga hadlay cabsi galin iyo dhibaatooyin lagu hayo Dadka ku dhaqan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dhacdooyin aad looga argagaxay.



Suldaan Xasan Axmed Sabriye(Xasan Madoobe) oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha Murusade ayaa sheegay in Dhibaatooyin badan lagu hayo Dadka Deegaanka isagoona xusay in sadaxdii habeen ee lasoo dhaafay Xaafado kamid ah Degmada Dayniile in dad xabsiyo lagala baxay iyo kuwa kale inta la geeyay six un loogu dilay si loo argagax galiyo dadka deegaanka muuqaalka Degmadana lagu wasaqeeyo.



Suldaan Xasan Madoobe ayaa intaa ku daray in Dilalkan lagu geestay gudaha Dayniile loo isticmaalay qaab qaldan isagoona xusay in dadka lagu dilay Gudaha Dayniile gawaari lagu geeyay halkaasna lagu laayay iyagoo laga kaxeeyay Degmooyin kale taasina ee muujineyso xumaato lala doonayo dadka Deegaanka oo la doonayo in la is tusiyo Dowlada Soomaaliya.



‘’ Adeer waxaan dhacayay dhoor waxyaabo ayaan u argnaa waana mid lagu doonayo in lagu xumeeyo Degmada iyo Dadka dagan falalka argagaxa leh ee dhacaya iyo mid lagu doonayo in Shacabka Degmada ku dhaqan iyo Dowlada in la iska hor keeno siyaasadna ee taasi ka dambeeso , mana garan karto sababta in dad xabsiyo looga saaro Dayniile loogu dilayo ‘’ ayuu yiri Suldaan Xasan Madoobe.



Suldaan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in ee soo fara galiso waxyaabaha foosha xun ee ka dhacayay Degmada Dyaniile maalmihii lasoo dhaafay isagoona dhanka kale Dowlada ka codsaday in Degmada Dayniile u tix galiso sida Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir oo dhamaan la geeyay Ciidamo Booliis ah iyo kuwa si aad ah u ilaaliya amaanka balse Dayniile la iskaba iloobay.



Dhanka kale Nabadoon C/Qaadir Sheekh Xuseen Bacadow (Wabiin) oo isna ka hadlay dhibaatooyinka lagu hayo Shacabka Dayniile ayaa sheegay in waxa dhacaya yihiin wax caqligu diidayo dadka deegaankaan aysan raali ka aheyn iaydoona amrkii hore Dadka Deegaanka lagu hayay Dhac ,Kufsi iyo Boob in hadana loogu daro oo Deegaanka laga dhigo Goob dadka lagu gowraco oo Meydadka la dilo lagu qubo.



Sidoo kale Cabdi Mahad Alle Wehliye (Cabdi Carabey) oo isna ka hadlay Dhibka ee tabanayaan shacabka Reer Dayniile ayaa sheegay in Shacabku dhib badan tabanayaan dhalinyaradiina ee argagaxeen oo xaafadahoodii ka carareen hadii taasi sii socotana ee u arki doonaan in Dowlada raali ka tahay Dhibka lagu hayo dadka ku dhaqan Degmada Dayniile.



Warkan kasoo baxay Odayaasha Dhaqanka Beesha Murusade ayaa kusoo adaya xili Maalmihii lasoo dhaafay gudaha Degmada Dayniile ee ka dhacayeen dhacdooyin badan oo aad looga arga gaxay taa oo lagu wasaqeenayay magaca Degmada iyo Waliba ddaka kunool .

 

QAWMEDIA MUQDISHO

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.