Madaxweynaha Somalia oo Maanta u duulaya mid kamid ah Dowladihii gacanta weyn ka geestay in loo Doorto

Published on 3 March 2013 at 13:33

Madaxweynaha Somalia oo Maanta u duulaya mid kamid ah Dowladihii gacanta weyn ka geestay in loo Doorto



Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ee u dhoofaan Dalka Qadar oo kamid ahaa Dowladihii gacanta weyn ka geestay in Madaxweyne Xasan Sheekh la doorto qarash badana ku bixiyay.



Qaban qaabada safarka Madaxweynaha iyo Xubnaha la socda ayaa aad looga dareemayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo waliba Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.



Socdaalka Madaxweynaha uu ku gaarayo Dalka Qadar ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu ku tago Dalka Qadar tan iyo Markii la doortay iyadoona horey Dalkaasi u gaareen Wasiiro katirsan Xukuumada oo u gogol xaarayay socdaalka Madaxweynaha.



Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana la kulmi doona inta uu Qadar joogo Amiirka Qadar iyo Xubno katirsan Dowlada Qadar iyadoona Xusid mudan tahay in Dowlada Qadar ay tahay Dowlad gacan weyn ka geesatay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kusoo baxo Doorashadii dhacady kuna maalgalisay Xisbiga Madaxweynah lacago aa u badan oo horseeday in ee qabtaan Hogaanka

Dalka.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.