Doorashoyinka Kenya Oo Bari Loo Dareeri Dono

Published on 3 March 2013 at 13:36

Dalka kenya waxaa soo xirmay ololaha doorashada Madaxnimada dalkan,waxaana muddo dheer soo socday Loolan xoogan oo ay kursiga Madaxnimada ugu jiraan Masuuliyiin badan.



Xisbiyada ugu waaweeyn ee doorashada kenya waa Jublee iyo Cord,waxaana kala hogaaminaya Laba Rug-cadaa oo muddo dheer ku soo jiray siyaasada dalka kenya,waxaana ka mid ah Uhuru-Kenyata oo xilal kala duwan ka soo qabtay kenya ahna wiilka uu dhalay Madaxweyne hore oo soo maray Kenya.

Uhuru waxaa uu dhawaan la midobay Wiliam Ruto oo isagana xulafo badan ku leh doorashada soo socta ee dalka kenya,waxaana ay haystaan sida ay sheegen Codadka ugu badan ee dadka kenyanka ah,waxaana labada dhinac markii ay midobeen sheegen in doorashadan tahay mid ay guusheeda leeyihiin.

Dhinaca kalena labadan Masuul ayaa waxaa maxkamad uga furan tahay ICC taasi oo loo haysto sida la sheegay  ka qayb-qaadasho danbiyo bini'aadnimo,waxaase ay iska indho tireen danbiyadasi oo ay sheegen in ay yihiin kuwo la doonayo in looga reebo doorashada 4-maarso dhici doonta.

Raila Odinga waa Hogaamiyaha xisbiga Cord oo aqlabiyad badan ku leh dalka,waxaan isku soo baxyada xisbiga ka muuqda dad farbadan oo u muuqda kuwii ka soo haray xisbiga kale ee Jubilee,waxaana uu si cad uga sheegay isku soo bixi ugu danbeyay in doorashadani tahay mid ay xisbigooda heli doonaan,waa hadii laga ilaaliyo Musuq-maasuq baahsan in uu ka dhaco.

Odinga ayaa la tartamay madaxaweynaha haatan jagadan baneen doona ee Mwai Kibaki doorashadii ugu danbeysay ee dhacday,waxana ka dhashay muran xoogan oo gacan la'iskula tagay,waxaana la sheegaa in Kumanaan qof ku dhinteen rabshadahaasi.

Kenya hadda waxaa ay ku baraarugsan tahay dhibaatada ka iman karta in mar kale dhacaan isku dhacyo waxaana dadka kenyanka ah hada hadal hays u ah amaanka aan ilaalino oo iska dhowro wixii dhacay 2007-2008,waxaana dareenka amaanka sida oo kale la qaba somalida oo dalkooda badi uga soo baxay amaan daro.

Doorashada ayaa loo dareeri doonaa Maalinka bari ah 4-maarso,waxaana codeyta ay tahay mid si weyn loo diyaariyay,waxaana ciidamo farabadan la dhigay meelaha ay ka imaan karaan isku dhacyada dhinaca doorashada,dawlada ayaa balan qaaday in amaanka gacan ay ku qaban doonto.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb