War Deg Deg Ah Maxkamada Racfaanka oo mar kale Xukun ku riday Wariye Cabdi Casiis Koronto halka la sii daayay Gabadhii uu wareestay

Published on 3 March 2013 at 13:27

War Deg Deg Ah Maxkamada Racfaanka oo mar kale Xukun ku riday Wariye Cabdi Casiis Koronto halka la sii daayay Gabadhii uu wareestay



Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta Xukun 6-bilood ah ku riday Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahin halka Maxkamada ee sii daysay Gabadhii sheegtay in ee kufsadeen Ciidanka Booliiska uuna Wareestay Wariyaha hada xukunka lagu riday.



Garsooraha Maxkmada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahin (Koronto) oo ah ilaa 6-Bilood oo xarig ah halka Maxkamada ee gabi ahaan sii deysay Luul Cali Cismaan oo aheed gabdhii sheegtay in ee kuf sadeen Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya.



Halka Xukunka uu ka dhacayay waxaa kusugnaa Boqolaal Wariye ,Saraakiil ,Xildhibaan iyo Qurbo joog kuwaa oo goob joog ka ahaa qaabka xukunka u dhacayay iyagoona soo dhaweeyay sii deynta Gabadha Dhibanaha aheed inkastoo ay aad uga xumaadeen in Wariye Koronto mar kale Xukun xarig ah lagu rido.



Qareenka u doodaya Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur ayaa sheegay in Xukunka Wariyaga lagu riday Caaalad daro ay tahay uuna mar kale racfaan ka qaadanayo una gudbinayo Maxkamada sare ee Dalka.



Wariye Cabdi Caiis Koronto oo Xukunka kadib Warbaahinta la hadlay uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in lasii daayo gabdhii dhibanaha aheed isaguna aysan waxbo la aheyn in uu xirnaado balse uu ka murugsanaa gabdha dhibanaha aheed ee xaqdarada ku xirneed.



Dhawaan ayey aheed markii Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Banaadir Xukun hal sano ah ku riday Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahin iyo Gabdhii uu wareestay Luul Cali Cismaan oo sheegtay in Ciidamada Booliiska Kufsadeen.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.