20-sano kaddib oo xoolo laga dhoofiyay Dakada Magaalada Muqdisho

Published on 27 February 2013 at 11:00

20-sano kaddib oo xoolo laga dhoofiyay Dakada Magaalada Muqdisho



Muqdisho — 20-sano kaddib ayaa xalay waxaa dakada Magaalada Muqdisho ka bilaawaday dhoofinta xoolaha Nool iyadoo markabkii ugu horeeyay ee xoola ka qaada Dakada Muqdisho uu ahaa mid u baqoolay dakada Cuman.



Munaaasabad lagu daah furayay dhoofinta xoolaha nool oo xalay ka dhacday dakada oo ay ka sooqeybgaleen qaar kamid ah wasiirada Xukuumadda Soomaaliya iyo ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo xalay laga dhoofiyay Dakada xoola gaarayay 549-lo’.



Munaasabada ka dhacday dakada ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Maareeyaha dakada Muqdisho C/laahi Cali Nuur, waxaana uu sheegay in ay tahay mid ay sugayeen Caawa oo kale in dakada Muqdisho xoolo laga dhoofiyo.



Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay Wasiir Ku-xigeenka Khayraadka dalka Marwo Saciido Xasan Cusmaan, waxaana ay sheegtay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay 20-sano kaddib dhoofinta xoolaha nool ay ka bilaawado dakada Muqdisho taasina ay ku timid dadaal dheer oo ay Xukuuamada ay sameysay. 

QAWMEDIA,COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.