Tacsi: (pp)- Waxaa maanta subaxii ku geeriyooday laguna aasay magaalada Muqdisho Marxuum Axmed Xaaji Aadan Guuleed( Haragweyn) oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii dalka sidda wanaagsan ugu soo shaqeeyey.
Allah u naxarariiste maraxuumka ayaa ka mid ahaa Horseedkii Xisbigii Leegada(S.Y.L),wuxuuna ka mid ahaa dhallintii loo diyaariyey iney xilka kala wareegaan maamulkii mustacmarka,wuxuuna maamulka Dowladda ku biiray xilligii xukunka daakhiliga 1954.
Wuxuu soo qabtay xilal fara badan xilligii Daakhiliga iyo xilligii xukunka Rayidka ahaa sida Guddoomiye Degmo,Gobol,Maareeye iyo Safiir wuxuuna ahaa Safirkii ugu horreeyey ee Safaaradda Somalia ee Sacuudiga 1967-1969.
Wixii xilligaa ka dambeeyey wuxuu ahaa ganacsade.
Annagoo ah Bahda Puntlandpost waxaanu tacsi u direynaa Qoyskii iyo Ehelkii iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Axmed Xaaji Aadan Guuleed( Haragweyn) waxaanu leenahay Naxariistii Janno Allah ka waraabiyo,DhammaanteenaSamir iyo iimaan Allah innaga wada siiyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN
اللهم اغفر له وارحمه ، وعافه واعف عنه ، لقِّه الأمن والبشرى والكرامة والزلفى ، اللهم إن كان محسناً فزد في حسناته ، وإن كان مسيئاً فتجاوز عن إساءته ، اللهم اغسله بالماء والثلج والبرد ، نقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس ، أبدله أهلاً خيراً من أهله ، وداراً خيراً من داره ، وجيراناً خيراً من جيرانه ، اللهم لا تحرمنا أجره ، ولا تفتنا بعده ، واغفر لنا ول
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments
Amiin yaa rab aboo Illahay haunaxariisto