Gudoomiye Tarzan oo eedeyn kulul dusha uga tuuray taliyaha Police-ka Soomaaliyeed, Shariif Sheekhumaa (Maye)
Gudoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Isbaaro taallo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, isaga oo ku tilmaamay arintaasi mid muujineysa in uu howshiisii ka gaabiyay taliyaha Police-ka Soomaaliyeed.
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlayay Isbaara Taalla Irirda Dekada Weyn ee Muqdisho, taas oo lacago baad ah looga qaado gaadiidka waxa uu sheegay in isaga warka ku saabsan horay loogu sheegay kadibna uu Taliska Police-ka Soomaaliyeed u sheegay uuna filayayba in mar hore laqaaday.
“Isbaaradaasi waan maqlay. Waxaan u sheegay Taliska Police-ka Soomaaliyeed. In laqaaday ayaan filayay hasa yeeshe hadii ay wali taallo waxa ay ku haboontahay in wax laga weydiiyo Shariif Shiikhunaa Maye.
Ciidamada qaata Isbaaradaasi maaha kuwa Dekada gaadidka kashaqeeya lacagaha ka qaada. Kuwa Dekada gaadiidka kasoo baxa lacagta ka qaada xaq uma laha gaari wadada maraya in ay lacag ka qadaan”. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa kuwaramay.
Si kastaba waxaa laga war sugaya sida taliska Police-ku ay uga jawaabi doonaan isbaarada lagu qaado bartmaha Magaalada Muqdisho ee horay loogu war geliyay walina si caadi ah oo cabsi aysan ku jirin u shaqeyneysa.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments