Xukuumada Somaaliya oo Caawa Shaaca ka qaaday in eysan waxba kala Socon Arimaha Maamul u sameynta Gobolada.

Published on 23 February 2013 at 21:07

Xukuumada Somaaliya oo Caawa Shaaca ka qaaday in eysan waxba kala Socon Arimaha Maamul u sameynta Gobolada.



Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa caawa shaaca ka qaaday in eesan waxba kala socon arimaha Maamul usameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo mudooyinkii ugu dambeeyay Qabanqaabada Maamul loo dhisayo Goboladaasi kasocdeen Magaalada Kismaayo .

Wasiirka ayaana sheegay in waxa Kismaayo kasocday ee ku aadan Maamul usameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo eesan Xukuumada Soomaaliya waxba kala socon dhagaha un ka maqlayeen in maamul Kismaayo lagu dhisayo Qaban qaabadiisana ee socoto.

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in Kismaayo hada kahor gaareen Wasiiro katirsan Xukuumada mar walbana ee Dowlada dooneyso in la dhiso Maamul laga wada arinsanaday ee dadka raali kayihiin Dowlada Soomaaliyana ee wax badan kala socoto oo talo iyo tusaale ku leedahay.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Xukuumada Soomaaliya casuumad u fidisay Maamulka Magaalada Kismaayo iyo iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolada Jubooyinka iyo Gedo si looga arinsado arimaha Maamul usameynta Goboladaasi.

Wasiirka Arimaha Gudaha waxa kale uu beeniyay in Xukuumada Soomaaliya ee wado qorsho kasoo horjeeda kan kasocda Magaalada Kismaayo oo la doonayo in Maamul looga dhiso Goboladaasi shir Dowlada soo qaban qaabiso oo Muqdisho lagu qabto.

Xukuumada Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka aamusneed arimaha Maamul usameynta Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya oo shirar kala ujeedo duwan oo maamulo loogu dhisayo ka kala socdeen Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili maanta la shaaciyay in uu dib u dhac ku yimid shirkii maamul usameynta Gobolada Jubooyinka iyo gedo oo qaban qaabadiisa maalmihii ugu dambeeyay kasocotay Magaalada Kismaayo Magaaladana Wafuud badan la isugu

geeyay.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb