R/Wasaare Kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay Madaxweynaha Somalia(Daawo Sawirada)

Published on 23 February 2013 at 20:51

R/Wasaare Kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay Madaxweynaha Somalia(Daawo Sawirada)

Howlaha ay dowladda Turkiga ka wado gudaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah “Lixda Tiir Siyaasadeed“ ee aragtida Madaxweynaha oo loogu horseedayo dalka Soomaaliya Nabad iyo Horumar.

(Muqdisho,Soomaaliya ,Febraayo,23 ,2013) Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda dalka Turkiga oo uu hogaaminayey Raiisal Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Mudane Bekir Bozdag . 

Mudane Bozdag waxaa weheliyey Wasiirka Horumarinta dalka Turkiga Mudane Cevdet Yilmaz waxayna kusoo booqdeen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waxaa kulankan ka qeyb-galay Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka ariimaha Dibadda Marwo Fowziya Yusuf Adan, Wasiirka Maaliyadda Mudane Mohamud Xassan Suleyman, iyo Wasiirul-Dowlaha Madaxtooyadda Mudan Faarax Sh. Cabdulqaair.

Kulankan ayaa Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaare ku Xigeenka ka wada hadleen arrimo la xiriira Horumarinta, Amniga iyo Mashaariicda Dowladda Turkiga ay ka wado dalka Soomaaliya.

Kulankan kadib ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh iyo R/Wassare ku xigeen Bozdag ay si wadajir ah u qabteen shir Jaraaid halkaas oo ay la hadleen Saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka iyo dowladda Turkiga sida hagar la’aanta leh ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed iyo sida ay dowladda Turkigu diyaarka ugu tahay dib u dhiska Soomaaliya.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.