Qasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkii Kismaayo oo lahelay iyo xaalada oo xilligaan sidii hore kabedelan.

Published on 23 February 2013 at 20:05

Qasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkii Kismaayo oo lahelay iyo xaalada oo xilligaan sidii hore kabedelan.



Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Magaalada Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in dagaalkii barqanimadii maanta ka qarxay halkaasi uu joogsaday galabnimadii maanta kadib markii Ciidamada Kenya ee magaalada ku sugan ay arinta fara geliyeen.

Dagaalka ayaa inta la’ogyahay waxa uu galaaftay nolosha sagaal ruux oo u badan Maleeshiyaadkii qaabka qabiil u abaabulnaa ee dirirta bilaabay iyo Jabhadda Raaskanbooniyiinta dagaalamayaal katirsan, sida ay ku warameen dadka deegaanka oo Fiidnimadii caawa lahadlay Shabakadaan Allbanaadir.com

Nolosha magaalada ayaa caadi ku soo noqotay, waxaana saldhigga Magaalada Kismaayo oo ah xudunta dagaalka hadda gacanta ku haya Meleteriga Kenya, iyada oo goobaha ganacsiga oo ku xirmay dagaalkii maanta Maqribnimadii dib loo furay inkasta oo xilligaan wax ganacsi ah aysan jirin oo cid waliba ay gurigeeda gadaal u gashay, isgaarsiintii oo maanta dagaalka hawada laga saarayna dib ayeey u soo laabatay.

Dowlada Soomaaliya waxa ay ku baaqday in colaada si dhaqsa ah loo hakiyo, waxaana war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya lagu codsaday in wax waliba laga hormariyo xalinta colaadaasi.

Dagaalka maanta waxaa lasheegay in ay ku dhawacmeen Shan ruux inkasta oo bilaawgiisii lasheegay in uu bilaawday kadib markii lakhaarijiyay taliye kamid ahaa ciidamada dowlada Soomaaliya, kaas oo dilkiisii ay ka jawaabeen maleeshiyaad is aruursaday oo kuheyb ah sarkalkaasi Maleshiyaadka Raaskanbooniyiinta ay bareerka u toogteen.

Maleeshiyaadkii aargoosiga dagaalka u bilaabay ayaa waxa qabsadeen saldhigga Magaalada Kismaayo oo ay ka fasaxeen dhamaan maxaabiistii ku jirtay iyaga oo ku xumeyanay maamulka Magaalada ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo kooxdiisa magaalada ku amar ku taagleysa.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb