Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo kaqeyb galay mudaaharaadkii ugu weynaa ee waayahaan kadhaca Garoowe.

Published on 24 February 2013 at 12:41

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo kaqeyb galay mudaaharaadkii ugu weynaa ee waayahaan kadhaca Garoowe.

kooxda al-Shabaab ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo lagu khaarijiyay magaalada Garoowe isaga oo dukanaya Salaada Casirka

Mas’uuliyiin uu hogaaminayay maamulka Puntland oo uu horkacayay madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta waxa ay magaalada Garoowe ee xasunta Maamulka Puntiland uga qeyb galeen mudaaharad kadhan ahaa Shabaab.

Dibadbaxayaasha oo isugu jiray haween, Carruur, Arday, Culumaa’udiin, iyo Dhallinyaro ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah kooxda Al-qaacida xariirka laleh ee Shabaab, waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay Faroole oo sheegay in Shabaabku ay yihiin naxariis laawayaal aan cidna u tureyn.

Dibad baxaan ka dhacay Garoowe ayaa waxaa amaankiisa si aad ah u ilaalinayay ciidanka nabadgelyada Puntiland iyada oo laga cabsi qabay in weerarro gaadma ah ka geestaan Shabaab maadaama mudaaharaadkaan horay loo sii iclaamiyay in uu dhici doono.

QAWMEDIA.COM

 

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.