AMISOM oo saldhigyo ka sameysaneysa Gobolka Galgaduud
Korneel Dubad ayaa ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada Jabuuti oo uu sheegay in ay u soo gurmadeen Walaalahooda Soomaaliyeed oo ay daashatay dhibaato amni darri
Muqdisho Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Korneel Cismaan Dubad oo wareysi Gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha dhow ee ay doonayaan in ay tiigsadaan.
Korneelka ayaa sheegay in Goordhow ay doonayaan in ay isku ballaariyaan qaybo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee jaalka ay yihiin Hiiraan kadib markii uu sheegay in arrimahaasi ay ka wada hadleen Masuuliyiinta ugu sareysa Gobolka Galgaduud.
Korneel Cismaan Dubad ayaa sheegay in ay doonayaan in Gobolkaasi ay u taba baraan Ciidamo Xaqiijiya Ammaanka Deegaanada Gobolkaasi Galgaduud.
Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan ayaa mar ay wax ka weydiisay Idaacadda Shabelle Xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo Cidamada Ithopia ee ku sugan Gobolkaasi Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in wada shaqeyn aad u ballaaran uu ka dhexeeyo taas oo uu sheeay in ay tahay mida keentay Ammaanka iyo Xasiloonida ka jirta deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka hiiraan.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments