Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed "Faroole" ayaa maanta xarunta madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar ka mid ah culimadda Soomaaliyeed oo Garowe kaga qaybgalay aaskii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
Dhinaca kale ayaa haddana isla duhurnimadii maanta waxaa qado sharaf uu madaxweynuhu ku casumey ilaa 50 ka mida culimadda soomaaliyeed oo iyagu Garowe u tagay sidii ay uga qayb gali lahaayen aaskii loo sameeyay Allaha unaxariistee shiikh cabdulqaadir Nuur Faarax oo kooxo hubaysane ay ku toogteen jimcihii aynu kasoo gudubnay gudaha masjid ku yaal magaalada Garoowe.
Kulankaan ayaa ahaa mid culimada iyo madaxwaynaha maamulka Puntlnd gooni u ahaa, kaasi oo ay kaga wada hadlayeen xoojinta dhanka amaanka iyo sidii iyana loo xoojin lahaa amaankooda culimada soomaaliyeed ee ku sugan deeganada Puntland .
Inta uu socday kulanka ayay labada dhinacba is waydaarsadeen sida ugu haboon ee amaankooda loo adkayn lahaa, waxaana madaxwayne Faroolena sheegay in xil gaar ah ay iska saarayaan sidii amaankooda loo adkayn lahaa oo xiligaani ugaarsi ba`an ay ku hayaan kooxo aan haybtooda lagaranayn .
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments
Talo wacan iyo tubta alle ha inawada garansiiyo. waa muhiim in ay tashadaan ahlul xalli wal caqdiga iyo madaxda Ummaddu.
Talo wacan iyo tubta alle ha inawada garansiiyo. waa muhiim in ay tashadaan ahlul xalli wal caqdiga iyo madaxda Ummaddu.