Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo shaaciyay in dilalka Culimada ay Shabaabku ku doonayaan in ay indhaha uga ridaan Soomaalida.

Published on 16 February 2013 at 09:40

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo shaaciyay in dilalka Culimada ay Shabaabku ku doonayaan in ay indhaha uga ridaan Soomaalida.



Gudoomiyaha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxa uu shaaciyay in dilalka Shabaabku ay ku bar tilmaameedsanayaan dadka u taagan fidinta diinta Islaamka ay tahay hadafka lagu doonayo in shacabka indhaha looga rido oo lawaayo wax diinta Islaamka yaqaanna.

"Dilka culimada Soomaaliyed waxa ay Shabaabku uga dan leeyihiin in ay indhaha tiran Soomaalida, hasa yeeshee waa sunna Ilaahi ah in diinta lafaafiyo oo dilkoodu waxba katarimaayo", Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa yiri.

Hadalka Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo Sheekh Cabdulqadir Nuur Faarax oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed shalay lagu dilay magaalada Garoowe.
Shabaab ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay ka danbeeyaan dilalka dadka wax garadka ah ee culimada iyo dhaqaatiirta isugu jira lala bar tilmaameedsado.

 


QAWMEDIA.COM


Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb