Soomaaliya oo golaha amaanka kahor jeedisay hamigeeda ku aadan ka dul qaadida cuna qabateynta hubka
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in xayiraadda hubka laga qaado Soomaaliya si ay ugu guuleysato wax ka qabashada amaanka dalka.
Fooziyo oo ka qayb gashay shirka Golaha Ammaanka oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ayaa sheegtay inay rajaynayaan in codsiga Soomaaliya lafulin doono oo xayiraadda sida ugu dhaqsaha badan Soomaaliya looga qaadi doono.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa waxa ay shirka ka cadeysay In Mareykanku uu Soomaaliya ku taageer sanyahay in xilligaan ay dhisato ciidamadeeda cuna qabatenyatana laga dul qaado.
Ban Ki-moon , Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegay in Golaha Ammaanka uu tixgelin siinayo Soomaaliya si dhaqsa ahna arintaasi Golaha Amaanku uu ga fariisn doono.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments