Yoweri Museveni: "Xaaladda Somaliya Aad Bey U Wanaagsan Tahay

Published on 15 February 2013 at 10:22

Madaxweyanah Dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa waxaa uu ka hadlay guulaha ay ciidamda amisom ka gaareen dalka somaliya iyo waxa ka dhiman

 

Wadamada ku jira hawlgalada ka socda dalal badan oo africa ah ayaa waxaa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo geesinimo ah,waxaana uu Mudne Yoweri Museveni uu si cad u qeexay in la helo hanaan wadajir ku sal leh oo africa iskugu duuban tahay.

Wareysi uu siiyay BBC-da qaybta la hadasha Afrca ayaa waxaa uu sheegay musafani in hawlgalka amisom ee somaliya guuleystay,marka la fiiriyo sida dawlada somaliya iskugu fidineyso qaybo badan oo ka mid ah dalka soomaliya,isagoona qiray in ciidamada somalida hadii ay helaan taageero dhab ah in ay hanan karaan amaanka dalkooda.
 
"AU waxaa mar walba ka go'an in ay ka shaqeyso sidii loo heli lahaa daganaashaha qaarada africa,waxaana ku da'dalnay in aan helno hab isku duubni oo Jamhuuriyadaha dhamaan uga bixi karaan ka hortaga dhibaata kasta oo timaada"ayuu hadalkisa ku yiri Yoweri Museveni.
  
Hadalka madaxweyanah Uganda ayaa waxaa uu ku diidanaa kagana soo horjeeday Hawlgalka ciidamda Faransiiska ka sameyen dalka Mali,waxaana uu si cad u diiday in ciidamo wadamada Yurub ka socda galaan qaybo ka mid ah dalalka Xorta ah ee Afrika.
 
"Waxaan soo dhaweyneynaa In laga hortago Argagaxisada,laakiin waxaa ceeb ah in EU hawlgal ka sameyso Afrika,iyada oo ay joogaan AU taasina waxaa ay muujineysaa in ay wali jirto wax u eg gumeysi curdan ah ama yar"ayuu hadalkiisa ku yiri Yoweri Museveni.
 
Ugu danbeytiina ciidamada Uganda ee UPDF ayaa waxaa ay ka hawl galeen wadamo badan oo qaarada africa ah sida koonfurta Sudan,Jaad, DRC iyo Somaliya,waxaana Uganda ka mid tahay wadamada ugu fir-fircood ee mar walba ku yabooha ciidamada nabad ilaalinta.
QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.