Shariif Shiikhunaa (Maye) oo xilka ka qaaday sarkaal sare oo Police-ka ka tirsan(Aqri magaca sarkaalka labedlay iyo Booskiisa oo labuuxiyay)

Published on 12 February 2013 at 12:53

Shariif Shiikhunaa (Maye) oo xilka ka qaaday sarkaal sare oo Police-ka ka tirsan(Aqri magaca sarkaalka labedlay iyo Booskiisa oo labuuxiyay)



Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jen Shariif Sheekhunaa Maye ayaa Waraaq kasoo baxday Xafiiska waxaa xilka looga Qaaday Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Kadib Munaasabad balaaran oo Maanta ka dhacday Degmada Afgooye ayaa lagu Aqriyay Wareegto kasoo baxday Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Shariif Sheekhuna Maye oo xilkii looga Qaaday Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmada Afgooye laguna Magacaabay Taliye Cusub.

Gaashaanle Ibraahin Diini Isaaq oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmada Afgooye ayaan la shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya in xilka laga qaado iyadoona lagu Badalay Taliye Cusub uu yeesho Booliiska Afgooye oo lagu Magcaaabo Gaashaanle Sayid Cabdi Qaadir.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa si buuxda uga taliya Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana inta badan Degmadaasi ka dhaca Dhibaatooyin kala gadisan ee ku jiraan Dilal, Kufsi iyo dhac lagu eedeeyo in ee ka dambeeyaan Ciidanka Dowlada.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.