Faahfaahin ka soo baxeysa qaraxii khasaaraha geystay ee Galkacyo

Published on 11 February 2013 at 17:03

Taliye ku xigeenka booliska Puntland Gen. Muxidiin Axmed Muuse ayaa ka bad-baaday sakaay barqaadii qarax ismiidaamin oo xooggan oo lagula eegtay gaadiid uu la socday gudaha Magaalada Gaalkacyo

Dhinaca kale Waxaa goor dhoweyd wariyeyaasha kula hadlay magaalada Gaalkacyo taliye xgeenka booliiska Puntland Gen. Muxiyadiii Axmed Muuse kaasi o dhaawac fudud uu ka soo gaaray weerarka qaraxa, waxaana taliyuhu uu sheegay inaysan ka hari doonan kooxdii falkan ka danbeysay oo uu sheegay inay sameyn doonan howlgal balaaran oo ku saabsan weerarkan lagu soo qaada

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari nooca Mark II ah oo laga sooo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Warar lagu kaalsoonan karo oo laga helayo Gaaalkacyo ayaa ku waramaya in ay dhaawacmeen in ku dhow 7 askari oo ka mid ah ilaalada taliye xigeenka, halka Gen.  Muxiyaadiin Axmed Muuse oo ah taliye xigeenka booliiska Puntland uu ka badbaaday qaraxaasi.

Saraakiil ka tirsan maamulka ayaa noo xaqiijiyay in dhaawaca taliye xigenka uu yahay mid fudud oo ka soo gaaray gacanta ka dib markii u gaaaray holac ama dabka qaraxa, xaaladiisuna ay iminka tahay mid aad u wanaagsan.

Marka laga tago khasaaraha soo gaaray ciidamada ilaalada ee taliye xigeenka, dad kale ayaa dhawaacyo fudud iyo kuwo culusba ka soo gaareen weerarka qarax, ku dhawaad 5 qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in dhaawacyo kala duwan ay soo gareen.

Gaariga qaraxa geystay ayaa ku qarxay afafka hore ee Taliska Booliiska Gobolka Mudug oo ah goob dad kale duwana ay ku sugnaaayeen xilligii qaraxu dhacayay, waxaana  la sheegay in ay goobta marayeen gaadiidka uu la socday Taliye xigeenka Booliiska Gen Muxiyadiin Axmed Muuse.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, sida lagu daabacay baraha internett-ka ee ku hadla afka ah-Shabaab.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.