Dowlada Turkiga oo saxiixday in garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cosmaan ay kadhigeyso sida…
Dowlada Turkiga oo kamid ah dowladaha ugu daqliga badan dunida ayaa waxa ay Soomaaliya lasaxiixatay heshiis caalami ah oo lagu dhisayo garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Heshiiskaan ayaa waxa uu yahay mid ladoonayo in garoonka Aadan Cabdulle loogu ekeysiiyo garoomada dalalka horay u maray si uu u fulin karo adeeg kasta oo looga baahdo garoomada diyaaradaha.
Mashruuca dib loogu habeynayo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa kamid ah waasicin iyo qalabeyn.
Turkiga ayaa waxa uu bilaabaay mashaariic uu kuhor marinayo dalka Soomaaliya wixii ka danbeeyay socdaalkii taariikhiga ahaa ee R/wasaarahooda uu kuyimid Muqdisho iyada oo Soomaaliya amaankeeda lagu tilmaami jiray kan ugu liita dunida.
qawmedia.com
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments