Madaxtooyada Somalia oo war saxaafadeed ka soo saartay dilkii loo geystay marxuum Shiikh C/qaadir Gacamey

Published on 16 February 2013 at 09:58

Madaxtooyada Somalia oo war saxaafadeed ka soo saartay dilkii loo geystay marxuum Shiikh C/qaadir Gacamey



War saxaafadeed ka soo baxay goor dhow xafiiska madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo nuqul ka mid ah loo soo diray xafiiska boggan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu cambaareeyey dil shalay wiil hubeysan uu magaalada Garowe ugu geystay ALLAHA u naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culumaaudiinka waaweyn ee Somalia.

Sida war saxaafadeedkan ku xusan Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ku tilmaamay dilkii loo geystay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax mid aad looga naxo lagana xumaado oo ka baxsan bini’aadanimadda.
 
"Waxaan uga tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisto Marxuum Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo xubin weyn ka ahaa culumada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sidoo kale madaxweynaha Somalia ayaaa war saxaafadeedka ku sheegay in Sheekh ay dishay gacan ka xaq daran xili uu cibaadeysanayay, wuxuuna Madaxweynuhu ku tilmaamay Sheekha geeriyooday inuu ahaa Sheekh fidinta diinta Islaamka qeyb weyn ka qaatay isagoo Alle uga baryay inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo umada Soomaaliyed iyo eheladiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun

QAWMEDIA.COM

 

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.