Hotel ku yaala Muqdisho ee Dagnaayeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo caawa la Weeraray

Published on 3 February 2013 at 20:44

Wararka aan ka heleyno Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in caawa Kooxo Hubeesan ee Bambaanooyin ee ku weerareen Hotelka Madiina



Wararka aan ka heleyno Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in caawa Kooxo Hubeesan ee Bambaanooyin ee ku weerareen Hotelka Madiina oo la sheegay in ee daganyihiin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale.

Hotelkan la weeraray oo ku yaala Degmada Xamar Jajab ayaa Goob joogayaal waxa ee ku warameen in Kooxo aan la garan ee bam gacmeed ku tureen Hotelka kadibna goobta ee si hal haleel ah uga baxsadeen.

Lama oga ilaa hada wax qasaaro ah oo ka dhashay Weerarka Bambaano ee lagu Qaaday Hotelka Madiina ,Masuuliyiin katirsan Degmada Xamar Jajab ayaana Warbaahinta qaarkood u sheegay in Weerarkaasi uusan dhalin wax Qasaaro.

Weerarada Bambaano iyo Dilalka Qorsheesan ayaa maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho ka yaraaday iyadoona Maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Dowlada Muqdisho ka wadeen Howlgalo lagu soo qab qabtay Boqolaal qof oo Al-Shabaab lala xiriirinayay.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb