Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim iyo Dhibane Luul Cali Cismaan oo Maanta Xukun lagu Riday(Daawo Sawirada)
Maxkamada Sare ee Gobolka Banaadir oo maalmahan ku mashquulsaneed dhageesiga Dacwadaha loo heesto Gabar dhibane ah oo la sheegay in ee Kufsadeen Ciidamo katirsan Dowlada iyo Wariyihii dhibkeeda gudbiyay ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay Xeer ilaalinta qaranka Xukuna ku riday Dhibanaha iyo Wariyaha Warkeeda gudbiyay.
Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) oo loo heesto in uu baahiyay Warka la xariira kufsiga ee gabdhan u geesteen Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya iyo gabadha iyana ku doodeysa in la kufsaday oo lagu Magacaabo Luul Cali Cismaan ayaa maanta lagu xukumay Xukun xarig min Hal sano ah.
Luul Cali Cismaan oo hada ah Hooyo Cunug yar Nuujineysa ayey xeer ilaalintu sheegeen in xabsiga u bilaaban doono marka uu cunuga yar naaska ka go’o inta ka horeesana ee banaanka sii joogi doonto ,iyadoona Sidoo kale Maxkmaada maanta ee sii deesay sadax kale oo eedesanaa iyana uu ku jiray Ninka qaba Gabadhan la xukumay.
Wariyaha Shabakada Allbanaadir.com oo kusugnaa Xarunta Maxkamada iyo Wariyaal kale goob jog ahaa ayaa waxa ee ku warameen in xukunka lagu riday Wariyaha iyo gabadha ee muujineyso cadaalad daro iyo eex iyagoona sheegay xitaa in la diiday in la dhageesto dooda Qareenada difaacayay iyo dad marqaatiyaal ah.
Xarunta Maxkamada maanta Dacwada lagu qaadayay waxaa kusoo xaadiraray Wariyaal badan ,Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kuwaa oo sheegay in qaabka uu u dhacy Xukunka uu ahaa mid aan cadaalada shaqo ku laheyn.
Dad badan ayaa filayay in Wariyaha iyo gabadha dhibanaha ee la kufsaday xukun lagu ridi doono si loo difaaco Madax iyo Saraakiil katirsan Dowlada oo Kiiskaan ku lug lahaa hadii Dhibanayaashan Dambi lagu waayana iyaga ee taasi ku noqon laheed Fadeexad.
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments