Ugu danbeyntii hadalka Guddoomiye ku xigeenka ayaa imaanaya xili dhawaan uu booqday Magaalada Marka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan golaha Wasiirada.
Guddoomiye ku xigeenka Dhanka Arrimaha Bulshada Magaalad Marka ahna ku simaha Guddoomiyaha Magaaladaasi C/laahi Muuse oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inay Amaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan islamarkaana aysan jirin dhibaatooyin ka taagan xiligan gudaha Magaaladaasi.
C/laahi Muuse ayaa tilmaamay in xiliyada qaarkood ay dhacaan falal ka dhan ah Amaanka Magaalada Marka, hase yeeshee hadda magaalada ay joogaan Ciidamo Boolis ah oo howlgalo joogta ah ka sameeya Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada Magaalada Marka ayaa intaasi ku daray hadalkiisa Ciidamada Booliska la geeyey magaaladaasi inay xiliga habeenkii ah iyo maalintii sameeyaan howlgalo roondo ah oo lagu xaqiijinayo Amaanka.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments