Qaramada Midoobay oo ka digtay Caruurta Soomaaliyeed

Published on 2 February 2013 at 21:20

Qaramada Midoobay ayaa ka dayrisay xaalad nafaqo-darro ee ka jirta qeybo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.



 

Qaramada Midoobay ayaa ka dayrisay xaalad nafaqo-darro ee ka jirta qeybo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ee FAO ayay ku sheegtay in qiyaastii 215 kun oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano ay heyso xaalad nafaqo-darro, kuwaasoo 45 kun oo ka tirsan ay xaaladdoodu liidato.

FAO waxay sheegtay in saddex meelood oo labo ay carruurtaasi ku nool yihiin gobollada koonfureed ee ay dagaalladu ka aafeeyeen, waxaa la sheegay in xaalada Nafaqo daro ay ahayd mid si aad horay ugu jirta Soomaaliya.

Xaalada Nafaqa-darada ee ka jiray dalka Soomaaliya,ayaa sida Warbixinta lagu sheegay waxaa loo aaneeynayaa carruurta Soomaaliyeed oo aanay helin waxyaabihii asaasiga ay u baahnaayeen.

Hayeee,hay’ada Qaramada u qaabilsan cuntada iyo ayaa dhanka kale waxay carabka ku dhifteen bartamihii sanadkii tagay la dareemay hoos u dhac nafaqo-darada carruurta iyo ku imaaneysa.balse haatan ayaa la tilmaamay dib ay u soo noqotay.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb