War Deg Deg Ah R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiiro dhoor ah oo katirsan Xukuumada Cusub oo goordhaw gaaray Magaalada..

Published on 31 January 2013 at 12:44

War Deg Deg Ah R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiiro dhoor ah oo katirsan Xukuumada Cusub oo goordhaw gaaray Magaalada..

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa socdaal aan horey loo shaacin waxa uu uga baxay Magaalada Muqdisho isagoona goordhaw gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.

R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya socdaalkiisa waxaa ku wehliya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane C/laahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

R/Wasaaraha iyo Masuuliyiinta kale ee lasocota ayaa xiligan kulamo kala duwan la leh Qeybha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Marka iyo Maamulka Dowlada ee Gobolka Sh/Hoose iyagoona kala hadlaya xaaladaha amaan ee kajira Magaalada .

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.