Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale digniin u diray dadka daggan guryaha aysan lahayn ee caasimadda Muqdisho ku yaalla.
Maxmuud Axmed Tarsan ayaa waxaa hadalkani jeediyay ka dib shir uu la yeeshay dhawaan qaybo ka mid ah qurbo joogta soomaalida oo ku booqday xarunta maamulka gobolka banaadir,waxaana mudane tarsan uu af cad ku sheegay in la joogo xiligii laga gudbi lahaa dhibaatoyinkii dalka ka dhacay.
"Waa muhiim in hantida aadan lahayn si deg deg ah u wareejiso, mana rabno in lagu sii jiro guryaha dadka soomaaliyeed leeyihiin" ,ayuu hadalkiisa ku yiri gudoomiyaha gobolka banaadir.
Dhinca kale waxaa uu sheegay in qof walba oo caasimada somaliya guri ku lahaa uu soo doonan karo,isla markaasina uu heli doono gurigiisa iyo hantida kale ee maguurtada ah,waxaana uu ugu baaqay shacabka soomaliyeed in loo siman yahay caasimada dalka soomaliya.
Ugu danbeyntiina hadalka gudoomiyaha Banaadir ahna duqa muqdisho Maxamuud Axmed nuur ayaa ku soo begmaya iyadoo hadalo kala duwan shacabka soomaliyeed ka jeedinayeen xaalada hantida la kala haysto ee caasimada dalka iyo meelo kale oo soomaliya ah.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments