M/weyne Faroole oo la kulmay wafuud ka kala socota QM & Denmark

Published on 30 January 2013 at 14:41

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Garowe wuxuu ku qaabiley Wafdi ka socda Dowlada Denmark iyo Qaramada Midoobey



Thomas Winkler oo ka socdey Safarada Denmark ee Kenya islamarkaasina ah madaxa Kooxda labaad ee xiiriirka la-dagaalnka burcad badeeda ayaa hogaaminayey oo wehelinayeen Xiriiriyaha UNODC Alan Cole iyo Manuel Pereira oo qaabilsan mashruucan soo wareejinta burcad badeeda.

Dhinaca Puntland ayaa kulankan waxa kaga qaybgalay Wasiirka Dekeddaha iyo la-dagaalanka burcad badeeda Siciid Maxamed Raage ,agaasimaha la-dagaalanka burcada Cabdirisaaq Maxamed Dirir ,wasiirka Cadaalada Dr.Ajaayo iyo sarakiisha madaxtoyada.

Intii uu socday kulankaan ayaa dhinacyadii ka qayb galay waxa ay ku falanqeeyen arimo muhiim ah oo ay kamid ahaayen Maxaabista Burcad badeedka ahee laga keenayo wadamada dibada, Howlgalada ay Ciidamada bada kula dagaalamayaan Burcad badeedka iyo Waliba xiriirka ka dhexeeya Al-shabaab iyo Burcad badeedka.

Dowladda Demarka ayaa iyadu ka mida deeqbixyaasha wax ka wada dhismaha Xabsiyada Garowe iyo Qardho.

Dhawaan ayay ahayd markii ay xukuumada puntland ay beesha caalamka ugudbisay inaan la bixin lacagta madaxfurashada ah taasi oo uu madaxwaynaha dawlada puntland ku micneeyey inay dhirigelin u noqoneyso ka qawleysiga biyaha Somalia iyo kuwa ka baxsanba.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb