Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Madxatooyada Somalia(Daawo Sawiro Naxtin Bada
Waxaa saakay Weerar Ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka Hore ee Xarunta Madxatooyada Villa Somalia gaar ahaan halka laga galo guriga uu Dagan yahay R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid)
Weerarka ayaa ahaa mid ismiidaamin ah uu isku soo xiray Nin waxyaabaha qarxa wata kaa oo ku qarxay Koontarool ee kusugnaayeen Ciidamada Dowlada ee ilaalada ka hayay Xarunta Madxatooyada Villa Somalia.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Qaraxaasi ismiidaainta ah ee ku dhinteen labo Asklari oo katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo ninkii is qarxiyay tiro kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.
Ninka isqarxiyay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa sida Warar aan ku heleyno Guriga R/Wasaaraha Soomaaliya halka warar kalana sheegayaan in uu damacsanaa in uu galo Safaardaa Itoobiya oo isla goobtaasi kutaal balse arintiisu fashil ku timid sidaana ku qarxay.
Ma jiraan ilaa hada wax war ah ee kasoo saareen Saraakiisha Dowlada Weerarkan Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Madxatooyada Villa Somalia oo marar hore sidan oo kale uga dhaceen Weeraro Ismiidaamin ah.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments