Saraakisha sar sare ee wasaarada caafimadka dawlada puntland ayaa shir kuyeeshay magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bar
Saraakisha sar sare ee wasaarada caafimadka dawlada puntland ayaa maanta shir kuyeeshay magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari |
Kulankaan oo ahaa mid mid ay isugu yimaadeen qaar kamid ah saraakiisha caafimaadka gobolka bari iyo weliba hay,adaha ka shaqeeya howlaha caafimaadka aya waxaa lagaga hadlaayey arimo ay kamid yihin xaaladaha maalaariyada ee dhawaan kadilaacay qaybo kamid ah gobolka bari . Ugu horayn waxaa kulankaasi warbixin guud looga dhagaystay gudigii dhawaan loo xilsaaray Dabar gooynta cudurka duumada ee bilo kahor lasheegay in qaybo kamid ah gobolka bari uu kadilaacay . Gabagabadii kulankaasina waxaa siwadjir ah ulahadlay warfidiyeenada Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka dawlada puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo waliba Isku duwaha wasaarada Caafimaadka ee gobolka bari Maxamed Waraabe waxana ay sheegen in wasaarada caafimadka pl ay dadaal dheer ugashay sidii loo dabar gooyn lahaa cudurkaasi duumada walina uu socdo . “Waxa qorshahayagu ahaa in aanu fiirino xaalada caafimaad iyo dabagal aanu ku samaynaynay cudurka duumada oo laga sheegay magaalada boosaaso ilaa hadeer dadka cudurkaasi laga daweeyay lana baaray waxay marayaan 563’Sidaasi waxaa yiri Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka dawlada puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan . Dhawaan ayay ahayd markii wasaarada caafimaadka dawlada puntland ay shaacisay in qaybo kamid ah gobolka bari uu kadilaacay cudurka duumada wasaaraduna ay uxil saartay koox katirsan wasaarada caafimadka oo ukuur gala . |
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments