Madaxwaynaha Soomalaiya Xasan Shiikh & RW Cameron oo shir guddoominya shirka Dhacaya Magaalada Londan iyo Wasiirka Arimaha Dibadda..!

Published on 26 January 2013 at 10:07

Madaxwaynaha Soomalaiya Xasan Shiikh & RW Cameron oo shir guddoominya shirka Dhacaya Magaalada Londan iyo Wasiirka Arimaha Dibadda..!



Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo maanta lagu soo gabagabeeyay shir ay lahaayeen Urur Midowga Africa ayaa waxaa xubnihii ka qeybgalay ka mid ahaa Wasiirka Afrika ee Britian Mark Simmons iyo Wasiirka arrimaha dibada Somalia Fowziyo Yuusuf, waxayna shir jaraa’id ay wada qabteen ugu hadleen shirka Londan ka furmi doona bisha May iyo qodobada looga hadli doono iyo cida shir guddoomin doonta shirkaasi.

Waxaa ugu horeyntii hadlay Wasiirka Afrika ee Britian Mark Simmons oo sheegay in kulan ay yeesheen guddi gaar ah oo qaabilsan qodobada muhiimada la siinayo ee shirka Londan oo noqonaya shirkii Labaad, oo uu sheegay in uu dhici doono 7 bisha May.

Shirkaasi ayuu sheegay Mark Simmons in ay shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Britian, iyadoo ay kasoo qeybgeli doonaan wakiilada Soomaalida ee shirkii hore kasoo qeybgalay, iyadoo muhiimad gaar ah la siin doono in ay wada hadlaan Dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland.

Wasiiradda arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf ayaa iyaduna saxaafadda u sheegtay in ay isku diyaarinayaan shirka Londan oo ay wax ka guddoomin doonaan, iyadoo u mahad celisay dowladda Britian iyo urur goboleedka IGAD ee taageeray Dowladda Somalia.

“Waxaa na horyaala howlo badan, laakiin inaan helno dareenka iyo taageerada beesha caalamka ayaa kalsooni badan na siineysa, horay ayaa u soconaa, waana isu diyaarineynaa shirka Londan oo aan wax ka guddoomin doono” ayey tiri Marwo Fowziyo.

Waxay kaloo ay sheegtay in Dowladda Somalia aysan ogolaan doonin ciidamada AMISOM iyo Ethiopia ay ka baxaan Somali, taasina ay ka mid yihiin qodobada looga hadli doono shirka Londan, iyadoo ka codsaday Qaramada Midoobay in cunaqabateynta ka qaato Dowladda Somalia si loo helo ciidan qaran oo xooggan.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb