Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa waxaa ay go'aan ka gaartay kiiska la xiriira raafka dadka qaxootiga ah ee jooga magaaloyinka dalka Kenya.
Warqad maanta oo Khamiis ah ka soo baxday xafiiska garsooraha qaranka ayaa waxaa lagu diiday in si qasab ah dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangaliyo doonka ah looga saaro magaaloyinka dalka kenya,waxaana sidoo kale amarkani lagu sheegay in aysan waafaqsaneen xeerarka caalamiga ah kiiskan.
Garsoore David Mjanj ayaa waxaa uu sheegay in dawlada ay si cad ugu sheegayan in aysan jirin wax talaabo ah oo dadka magangaliyo doonka ah looga saaraayo magaaloyinka dalka ka dib markii warqad soo baxday 21-bishan lagu sheegay in dad farabadan oo qaxooti ah loo daad-gureen doono garoonaka ciyaaraha ee Tika si halkaasi looga sii qaado oo Loo geeyo xeryaha dhadhaab iyo kakuma.
Arinatani ayaa waxaa da'daal dheer u galay ururka Kituu Cha Shariia oo u dooda arimaha bulshada ee ka jira dalkani kenya waxaana ugu danbeytii ay ku guuleysteen in la hakiyo arimaha la xiriira kiiskan lagu saarayo dadka soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalka kenya.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments