Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka hadlay arimaha xaafada Islii ee Nairobi

Published on 22 January 2013 at 10:29

Xildhibaanka ayaa waxaa uu maanta ka hadlay xaflad balaaran oo lagu gudoonsinayay shahaadada xisbiga TNA



Ugu danbeytiina xaafada islii ayaa dagan waxaana si caadi ah u socda ganacsiga xaafada oo aan laga dareemen wax dib u dhac ah tan iyo markii cabsida ay soo food saartay dadka qaxootiga ah ee ku dhaqan xaafada islii oo la soo gaadhsiiyay waraaq lagu sheegayo in dib loogu celin doono Xeryaha qaxootiga.

Mudane yuusuf xasan ayaa waxaa uu si farxad leh ku soo dhaweyay shahaadada la gudoonsiyay ee xisbiga TNA oo ku guuleystay ninka uga sharaxan xisbiga xaafada kamagunji.

Doorashada ayaa waxaa ay ahayd mid ay soomaalida joogta islii iyo dhamaan shacabka ku dhaqan xaafada oo iskugu jira Madowga iyo soomaali si aan horey loo arag codkooda ku siiyeen xildhibaan Yusuf xasan.

Dhinaca kale xildhibaanka laga oo doorto xaafafda kamagunji ayaa waxaa uu si cad u sheegay in uusan jirin amar ka soo baxay dawlada kenya oo dadka qaxootiga ah looga saarayo magaloyinka dalka kenya oo dhan.

"Waxaan cadeynayaa in aysan jirin wax raaf ah oo ka dhacaya islii iyo guud ahaan dalka oo dhan,maxaa yeelay dawlada qaxootiga ayagaa siiyay sharciyada ay haatan dalka ku joogaan mana dhici karto in ay saarto oo kaam cusub ku hareyso", ayuu hadalkiisa ku yiri mudane yusuf xasan cabdi.

dadka shacabka ah ee ku dhaqan islii ayuu ugu baaqay in ay is dajiyaan isla markaasina ganacsigooda iyo horumaradooda si caadi ah iskaga wataan,waxaana uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin meel cad oo loo raaci karo warqadii dhawaan la sheegay in ay ka timid xafiiska madaxweynaha.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb