Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad u jeediyey kumaankun qof Magaalada Minneapolis

Published on 20 January 2013 at 15:35

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo ku sugnaa malmihii u danbeysey dalka Maraykanka ayaa habeenimadii xalay kumaankun qof oo Soomaaliyeed kula hadley Minneapolis ee gobolka Minnesota

Dadka igu mudaaharadaya waan soo dhaweyneynaa, waa horumar aan gaarney in tabeele aan qaadano halkii aan qori ka qaadan jirney, waxaanse u sheegayaa in aan diyaar u ahay in aan la fariisto, yaan laynoo kala sheekayn Dhurwaaga iyo caruurta ayaa loo kala sheekayaa, waxaan diyaar u ahay in aan ka garbaxo wada hadalno, yeysan qalad iga fahmin ayuu yiri Madaxweynuhu, mar uu ka hadlaayey dadkii banaanka dibad baxa ka dhigaayey.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadley socdaalkii uu ku yimid Maraykanka, iyo waxyaabaha dawladiisu qabatey iyow axa ay dooneyso in ay qabato timaadada, sidoo kale waxaa Madaxweynuhu ka hadley doorka qurba joogta Soomaaliyeed iyo sida ay uga qaybqaadan karaan dhisitaanka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedadii uu u yimid Maraykanka ay guul ku soo dhamaatey, waxaana albaabada u furtey Soomaaliya dalka dunida ugu dhaqaalaha badan oo aqoonsatey ayuu yiri muddo 21 sano ah, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaadey in ay ka go’an taay in dalka Federaal la garsiiyo, laakiin waxaa jira ayuu yiri qodobo ka horeeya oo u baahan ka hor inta aan dalku si rasmi ah u qaadan nidaamka federaalka in dastuurka lagu qeexo waxyaabo badan sida kheyraadka loo qaybsamayo xuduudaha iyo waxyaabo kale, waxaana uu been ku tilmaamey in uu amrey in maamul loo sameeyo Hiiraan iyo Baay Jubbooyinkana uu ka soo horjeedo.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaadey xiriirka dalalka deriska ah, Waxa uu sheegay in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalalka Kenya iyo Itoobiya, Jabuuti marna ma dhicin in xireerkeenu xumaado ayuu yiri Kenya xiriirka aan la leenahay waxa uu ka soo bilowday waa 1960kii, laakii dalka Itoobiya waxaa inaka dhexeeya xiriir soo taagnaa in ka badan 600 sano, waxaana jirtey colaad dheer oo ilaa waqtiydaas soo taagneyd, waa dal weyn iyo dad badan oo aan lahayn Xeeb, Webiyada labada ah ee Soomaaliya yimaadaa waxay ka yimdaan dalka Itoobiya, waxaana muhim ah in labada dalba kala faa’ideytaan nabad iyo deris wanaagna ku wada noolaadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Gobolka Minnesota uu noqdey gobolka ay ugu badan yihiin Soomaalidu dalka Maraykanka isla markaana ka muuqdaan, waxaana uu ballan qaadey in ay ka furayaan qunsuliyad u adeegta shacabka Soomaaliyeed. Qurba joogtana looga fadhiyo in door la taaban karo ay ka qaataan taageerada Soomaaliya.

Mudaaharaad

Muddaadii Madaxweynuhu khudbeynayey waxaa baanaanka hore ee Hoolka shirku ka dhacay ka socdey mudaaharaad ay dhigayeen dad ka xun qaabka dwoladdu uga hortimid maamul u samaynta Jubbooyinka, iyo sida aysan uga go’neyn in ay Federaalkii lagu heshiiyey hirgeliso, waxaana ay wateen halkudhigyo ay uga cabanayaan Dowladda Xassan Shiikh Maxamuud.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.