Qaban qaabada xuska maalinta warbaahinta soomaliyeed oo ka socota Boosaaso

Published on 20 January 2013 at 16:41

Waxaa ka socoda gudaha magaalada Boosaaso Qabanqaabada Xuska Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed oo ay wadaan Suxufiyiinta gobolka Bari,taasoo ku beegan Maalinta Isniinta ah oo bishu tahay 21.January 2013.

Waxa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso in Maalintaas lagu Xusaayo Saxaafada Soomaaliyeed si weyn ugala qeybqaataan ayna usoo daawasho tagaan Ciyaartaas oo lagu qaban doono Garoonka Kubada Cagta ee Boosaaso

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Xaflada ee Maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed Axmed Muuse Cali “Axmed Jookar” oo lahadleyay warfidiyeenada ayaa sheegay in Xuska Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed oo ku beegan 21.January 2013 ay si weyn ugu diyaargaroobeen,ayna qaban doonaan Xaflad lagu Weyneynaayo.

" Hawsha qabanqaabadu waa mid ka socota magaalada Boosaaso,waana ku guda jirnaa,waxaana dhacay kulamo kala duwan oo ay Yeesheen bahda Saxaafadu,waxaana looga hadlay arrimobadan,sidii maalintaas loo Xusi lahaa,waa maalinta kaliya ee ay Saxaafadu leedahay…”"ayuu yiri Axmed Jookar.

”Ka dib Guddiyadii 5-Xubnood ayaa la Xulay anigu aan Guddoomiye u ahay hawshiina hadde qabanqaabadii waan ku guda jirnaa meel fiican ayeyna maraysaa.waxaana weeye 40-sano guuradii kasoo Wareegtay Xuska Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed…

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Xaflada ee Maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed Axmed Muuse Cali “Axmed Jookar” ayaa sheegay in galabnimada Maalintaas ay dhacayso Ciyaar kubada Cagta ah oo dhexmari doonto Suxufiyiinta qudhooda iyo koox kale.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.