Raafka soomaalida ee magaalada Nairobi oo berito bilaabmaya

Published on 20 January 2013 at 14:15

Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa ku cad in raafkii ugu weynaa uu bilaaban doono maalinimada Isniinta ee taaariikhdu tahay 21/01/2013.

Arintaan ayaa waxay ku soo aadaysaa xilli la kala diray baarlamaankii wadanka Kenya oo ay soo dhaw dahay doorashadii guud ee wadanka taas oo dhici doonta march 4-teeda 2013.

Waxaa ku xusan warqadaas kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha in wajiga hore ee hawshaan lagu qabqaban doono 18.000 oo qaxooti somaaliyeed ah oo ku nool magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya kadibna la geyn doono xeryaha Dhadhaab iyo Kakuuma, iyadoona loo sii gudbin doono wadamada ay u dhasheen.

 

QAWMEDIA.COM


Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.