Gudoomiyaha baarlamanka oo ka warbixiyay wadahadalka Somaliland

Published on 18 January 2013 at 23:54

Gudoomiyaha Baarlamanka soomaaliya Prof:Maxmed cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu ka hadlay wadahadalka la sheegay in dawlada soomaaliya la yeelan doono Maamulka somaliland.

Ugu danbeytiina wadahalka dawlada soomaliya iyo Maamulka soomaliland ayaa waxaa uu yahay wajigii labaad oo wadahadal ah oo looga wada tashanayo mustaqbalka wadahadaladaasi,waxaana gadhwadeen ka ah ra'isalwasaaraha ingiriiska David Cameron oo dhawaan sheegay in ay qabsoomi doonan bisha May.

Mudane jawaari ayaa u sheegay wakaalada wararka dalka Iiraan in dawladiisa ay ka go'an tahay in ay wadahadal la yeelato maamulka soomaaliland,waxaana uu qiray in dawladiisa ay ku hanweyn tahay in guul laga gaaro wadahadlkaasi.

"Dawlada aan ka mid ah waxaa ay wadaa qorshe lagu wadahadlaayo,waxaana lagu doonayaa soomaliya oo mid ah in la helo", ayuu hadalkiisa ku yiri mudane jawaari.

Sidoo kale waxaa la weydiiyay dagaalka dawlada soomaliya iyo ciidamda shisheeye ee jooga soomaliya ay kula jiraa xarakada al-shabaab oo muddo socday,waxaana uu sheegay gudoomiyaha baarlamanka in dagaalkaasi dawlada meelo badan ku qabsatay walina ay jiraan deegaano kooxda al-shabaab gacanta ku hayaan.

"Kooxahan waxaad ogtahay in awoododa la wiiqay waxaana wali socda dagaalka lagula jiro,meelo yar bey ku harsan yihiin qorshaha dawlada waa in dalka oo dhan in gacanta lagu dhigo", ayuu hadalkisa ku yiri mudane jawaari.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb