M/weyne Xasan Sheekh: "Dawladda Turkiga shaqo wanaagsan ayeey Soomaaliya ka qabatay

Published on 18 January 2013 at 22:49

Isagoo safar ku maraya dalka Mareykanka ayaa madaxweyanaha dawlada soomaaliya Mudane Xasan sheekh maxmuud waxaa uu ka hadlay doorka beesha caalamka ee somaliya.

Ugu danbeytiina madaxweynaha ayaa ka dalbaday dhamaan wadamada caalamka oo Mareykanka ugu horeyo in ay sameeyaan talaaboyin sida Turkiga oo kale ah,isagoona cadeeyay in shacabka soomaaliyed haatan ka bexen marxaladii dagaalka iyo Burburinta.

Tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaliya waxaa yaraa dalalka sida turkiga oo kale ugu gurmaday soomaliya"ayuu ku sheegay kulan uu la yeeshay Madaxda dalka mareykanka oo kula kulmay aqalka cad ee dalka mareykanka.

Madaxweynaha ayaa Cadeeyay in dawlada Turkiga si weyn uga daqnatay arimaha soomaaliya oo sheegay in ay ahayd muddadii la soo maray dawlada kaliya ee wax muuqda ka qaaatay dalka soomaaliya,waxana uu madaxweynaha qiray in talaabada Turkiga tahay mid ku dayasho mudan.

"dawladaha iyo Hay'adaha gargaarka ee soomaliya ku shaqo leh waxaa xarun u ah Nairobi,mana jecla in ay yimaadaan xamar,markii la weydiiyana waxay yiraahdaa Amaan maaha,maana muqdisho waa amni waxaana loo baahan yahay in si wada jir ah wax u qabano"ayuu hadalkiisa ku yir Mudne Xasan sheekh.

Madaxweynaha ayaa dhaliilay doorka wadamada qaar ee soomaliya oo sheeay in ay ka gaabinayaan in ay caawiyaan dalka soomaaliya,kuwaasi oo haatan u soo jeeda dib u dhiska dalkooda,waxaana uu madaxweynaha uu mahad u celiyay shacabka iyo dawlada Turkiga oo si aan la maleysan karin u garab istaagay walaalaha somaaliya.

"waxaan cadeynayaa in Muqdisho maanta ka amaan badan tahay magaaloyinka qaar ee africa,waxaana ka socda isbadal lagu dayan karo oo taageero u baahan"ayuu cod dheer ku yiri madaxweynaha dalka soomaliya.

Dhinaca kale waxaa uu soo qaaday madaxweyanaha rajo uu ka qabo in ganacsatada soomaalida ee ku sugan wadamada Kenya iyo koonfurta sudan oo sheegay in ay isku dayayaan in ay dib ugu soo laabtan dalkooda maalgashina ka sameystaan.

"Mar dhow xaafda islii Muqdisho ayaa maqli doontaan,waxaa kale oo aad maqli doontaan in ganacsiga Juba sudan yaala ee soomaalida uu noqon doono mid dalka lagu soo celiyo oo horumar buuran laga gaadho"waxaa sidaa sheegay mudane xasan sheekh maxmuud oo cadeyay in somalida haatan dalkooda dib ugu noqon doonaan.

QAWMEDI.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb