Xildibaan Yusuf Xasan oo dib ugu laabtay Kenya, kana warbixiyay xaaladisa caafimad

Published on 18 January 2013 at 11:08

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka laga soo doortay degmada Kamakunji oo howlo caafimaad u joogay dalka Koonfur Afrika ayaa dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhinaca kale Sheekh Shakuur oo ka mid ah guddiga ololaha doorashada sii waday tan iyo marki uu dhaawacmay xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa Soomaalida ka codsaday inay codkooda siiyaan xildhibaan Yusuf Xasan si uu u noqdo murashaxa xisbiga TNA

Xildhibaanka ayaa ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad, kadib marki u galabta shir jaraa'id ku qabtay cusbitaanka Aga-khan ee magaalada Nairobi, waxaana uu sheegay inuu haatan wanaagsan yahay xaaldisa caafimaad, marka laga reebo jab dhinaca lafaha.
 
Yuusuf Xasan oo markale u sharaxan xildhibaanka degmada Kamakunji ayaa Soomaalida Kenya ka codsaday inay si weyn uga qayb galaan doorashada berito lagu wado inay dhacaan islamarkaana ka dalbaday inay codka ugu shubaan.
 
"Si nabad ah  ayaan uga soo noqday dalka Koonfur Afrika, daawooyinki lugahana wey iisoo dhamaadeen qaybti koowaad, waxaana rajeynayaa doorashada ka bacdi in aan marke dib ugu laabto South Africa howshaasina iisoo dhamaato" ayuu yiri.
 
"Waa ilaah mahadiis, ilaahay wuu iga badbaadiyay, laba lugood ayaan ka jabanahay, lafihina waa la kabay, caafimaadkeygana aad ayuu u wanaagsanyahay" waxaa sidaasi wariyaasha u sheegay xildhibaan Yusuf Xasan.
 
Xildhibaanka ayaa Soomaalida ka codsaday inay maalinta berito ah ka maqnaan doorashada islamarkaana xoogga saaran ka qayb galka doorashadaasi, waxaana uu tilmaamay inay dantooda tahay si loo muujiyo ka xaafad ahaan Islii.
QAWMEDIA,COM
 

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.