Obama oo qaabilay madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheex

Published on 18 January 2013 at 10:45

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo booqasho ku jooga magaalada Washington.

Kulanka labada madaxweyne ayaa waxa uu ka turjumayaa aqoonsiga dowladda Mareykanku ay maanta siisay dowladda Soomaaliya, iyo sida dowladda Mareykanka ay u daneyneyso taageerista Soomaaliya, oo dhibaato iyo dagaalo ku jirtay muddo ka badan 21 sanadood.

Kulanka Obama iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa goob joog ka ahaa. ku xigeenka la taliyaha amaanka ee Qaranka Mareykanka.

Mr. Obama ayaa kala hadlay Madaxweynaha Somalia waxa uu Aqalka Cad ugu yeeray guulaha siyaasadeed iyo kuwa Amni ee Somalia.

Mr. Obama ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weynyahay mustaqbalka Somalia oo soo hagaaga.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.