Kulan looga soo hor jeedo qaabkii ay u dhacday doorashadii gudiga olombikada soomaaliyeed oo ka dhacday Boosaaso

Published on 18 January 2013 at 10:56

Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen gudoonka sare ee ciyaaraha gobolka Bari islamar-ahaantaasna ay soo qaban qaabisay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhalin yarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa maanta ka dhacday gudaha magaalada Boosaaso gaar ahaan hool shirarka dawladda hoose.

uqaabilsan Puntland .

Kulankani oo ahaa mid bahda ciyaaraha gobolka Bari ay uga soo
horka jeeden qaabki ay udhacday doorashadii gudiga olombikada
somaliyeed ee dhawan kadhacday magaalada muqdisho ee caasumada dalka
somaliya .

Gudoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka bari mustafe
cabdiraxmaan majacase oo isagu kamid ahaa masuuliyiinti madashaasi
kahadashay ayaa sheegay inaysan aqoonsaneen gudigaasi dhawaan
doorashadoodu ay kadhacday magaalada muqdisho waxana uu kutilmaamay in
doorashadaasi ay tahay mid fashilmatay .

Nuur xaaji cismaan oo isagu ka mid ahaan jiray ciyaaryahanadii kooxaha
heerka kowad  ee somaliya oo isna goobta  ka hadlay ayaa sheegay in
hananka ay u dhacday doorashadaasi ay ahay mid cadaalad doro salka ku
haysa.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada muqdisho lagu qabtay doorashadii
gudiga olombikada somaliya waxaana doorashadaasi gaashanka udaruuray
sheegayna inaysan aqoonsanayn gudigaasi madaxda dhanka ciyaaraha

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb