Muqdisho: Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Bangiga dhexe ee Soomaaliya, isagoo jagadaas u magacaabay C/salaan Cumar Hadliye.
Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu masuulkan Jagadan uu u magacaabay kaddib markii uu la tashi la sameeyey raiisal wasaaraha Df ee Soomaaliya , siddaasna uu ugu magacaabay guddoomiyaha bangiga dhexe C/salaan Cumar Hadliye.
Masuulka la magacaabay ayaa ah aqoonyan dhaqaale-yahan ah , isla markaasna ku cusub hay’adaha dowlada.
Jagadan ayaa waxaa horay u hayn jiray Dr. Bashiir Ciise Cali , isagoo ka mid ahaa saraakiishii hore ee bangiga dhexe ee Soomaaliya.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments