Madaxweynaha Puntland ee Jabuuti ku aaday safar aan horey loo shaacin

Published on 17 January 2013 at 16:24

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maalinimadii Arbacadii safar aan horey loo shaacin ku aaday dalka Jabuuti, waxaana safarkiisa ku wehliya xubno kamid ah Wasiiradiisa

Warar ay Horseed Media ka helayso qaar kamid ah ciidamada Bada ee Puntland ayaa lagu sheegay in dhaawaca sarkaalkan lagu qaaday diyaaradii uu Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa u qaaday dhanka dalka Jabuuti.

Safarka Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaan horey loo shaacin walow la sheegay inuu ka qeyb galayo aaska Guddoomiyihii Bangiga Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd (AUN) oo dhawaan geeriyooday.

Dhinaca kale Faroole ayaa lagu wadaa in magaalada Jabuuti uu kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Dowlada Jabuuti oo ay ka wada hadli doonaan xaalada dalka Soomaaliya.

Warar ay Horseed Media helayso ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo Madaxa Jabuuti ay ka wadahadli doonaan arrimo la xariira ganacsiga labada dhinac. Inta uu Farole ku sugan yahay Jabuuti ayaa lagu wadaa inuu la kulmo xubno ka socda Dowlada Maraykanka oo uu kala hadli doono arrimo la xariira la dagaalanka Argagaxisada.

Dagaalka Galgala

Kahor intaan ka dhoofin magaalada Bosaaso ayaa waxay dowlada shaacisay in ay dagaalo ka dhaceen buuraleyda Galgala oo ay hada ku sugan yihiin kooxda Al shabaab oo dhawaanahan halkaasi isku aruursanayey.

Mid kamid ah Diyaaradaha Helikobterka ee shirkadii Saracen ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen kooxda Al Shabaab xili ay duulimaad ku sameenaysay buuraleyda ay ku sugan yihiin kooxda Al Shabaab.

Waxaa rasaastaasi ku dhaawacmay Nin cadaan ah oo kamid ah Hawlwadeenada shirkada Saracen oo asagu diyaaradaasi ka ahaa ninka rida qoriga Dhashiikaha ee ku rakiban diyaaradaasi.

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.