Tarsan oo sheegay in barakacayaasha laga rarayo gudaha magaalada Muqdisho

Published on 15 January 2013 at 11:31

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo shalay (Isniin) la hadlay qaar kamid ah warfidiyeennada Muqdisho ayaa sheegay in ay Dowladda Hoose Ee Muqdisho iyo Dowladda Dhexe wadaan Qorsheyaal caasimadda dalka looga rarayo dadkii kusoo barakacay ee Xerooyinka iyo Buushashka ka dhistay Magaalada

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaalla Xerooyin iyo Kaamam ay ku noolyihiin Dad barakacayaal ah kuwaasoo kasoo barakacay Gobolladii ay saameysay abaartii ku dhufatay qeybo kamid ah dalka inkastoo qaar kamid ah barakacayaasha ay dib ugu laabteen Goobihii ay markii hore ka yimaadeen

Guddoomiyaha ayaa xusay in dadkaasi loo diyaarinayo Xerooyin ku yaalla meel ka baxsan caasimadda ,mudane tarzan ma uusan magacaabin goobta loo rarayo Barakacayaasha sida ay rasmi ahaan ugu taallo iyo waqtiga la rarayo Barakacayaasha.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.