Ciidan qalabeysan oo maanta ku qamaamay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Published on 15 January 2013 at 11:27

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa hadda ku sugan magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka,

Waa safarkii u horeeyey ee Madaxeynuhu ku tago dalka Maraykanka, waxaana ay u tahay fursad uu ku gudbin karo sidii Maraykanku gacan uga geysan lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya, waxaana uu kulmo la qaadan doonaa Soomaaliyda Maraykanka isaga oo ka codsan doonaa in ay tageeraan Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa hadda ku sugan magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa ku sugnaan doona dalka Maraykanka maalmaha soo socda, waxaana ay kulamo kala geddisan la qaadan doonaan masuuliyiinta Maraykanka iyo weliba jaaliyadda Soomaalida ee America ku dhaqan.

Sida ay sheegtey Victoria Nuland oo u hadashey wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Madaxweyne Xassan ayaa la kulmi doona maalinta khamiista ah Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton, kulanka ayaa ka dhici doona xarunta wasaaradda arrimaha dibadda. Victoria Nuland ayaa sheegtey in sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmi doono madax sare o ka tirsan Maraykanka isla markaana ay ka wada hadli doonaan arrimaha amaanka, danaha labada dal iyo horumarka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dalka Maraykanku ay si toos ah u ictiraafayaan Dawladda Soomaaliyeed ee u hoggaamiyo Madaxweyne Xassan, taas oo markii hore ay siin jireen ictiraaf wada shaqeyn ah keliya.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb