Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladda ay guryaha kala baxeyn dhalinyaro fara badan, oo tiradoodu lagu sheegay ilaa boqol ruux.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo nooc leh isugu jira ayaa waxay maanta hawl galo aan caadi ahayn ay ka wadaan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada maanta hawl galada ka fulinaaya Degmada Wadajir ayaa waxay iskugu jiraan Ciidamada Militariga, Ciidamada Booliska iyo weliba Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay guri guri u galayaan guryaha ku yaala Degmaa Wadajir, waxayna shacabku sheegeen inay saakay ku soo tooseen Ciidamada Dowladda oo guryahooda dul taagan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ay tuhmayaan in Degmada Wadajir, ay ku dhuumaaleysanayaan dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments