Waxaa lagu wadaa in dhawaan dib loo furo wadahaladii dhexmarayey Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland, kaasi oo hakad galay bartamihii sanadkii lasoo dhaafay kahor doorashadii ka dhacday Muqdisho ee lagu soo doortay Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya.
Maamulka Soomaliland oo horey xiriir dhaw lalahaa Dowlada Ingiriiska ayaa xiligan walaac weyn ka qaba aqoonsiga dheeraadka ah ee Xukuumada Ingiriiska u heyso Dowlada Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay loo aqoonsaday mid aan kumeel gaar ahayn oo rasmi ah. Dowlada Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay inay dib u furaneyso Safaaradii ay Muqdisho ku lahayd, iyadoo xiligan ay socdaan dadaal dib loogu furayo Safaaradii Soomaaliya ee magaalada London.
Maxamed Cabdullahi Cumar oo shalay wareysi siiyey Warbaahinta Soomaaliland kadib markii uu safar dib uga soo noqday dalka Ingiriiska oo uu ku maqnaa todobaadyadii lasoo dhaafay.
Maxamed Cabdullahi Cumar ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayey kulan dhexmaray dhankooda iyo dowlada Ingiriiska, wuxuuna sheegay inuu lasoo kulmay Wasiirka horumarinta Afrika u qaabilsan Ingiriiska.
Wuxuu sheegay kulankii la yeeshay dowlada Ingiriiska ayey uga hadleen deeqda Ingiriiska siiyo Soomaaliland, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland. Wuxuuna sheegay in Dowlada Ingiriiska ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso sidii dib loogu furi lahaa wadahadalkii u dhaxeeyey Somaliland iyo dowlada Federaalka, wuxuuse sheegay in dib u furida wadahadalkaasi wakhtiga ay dhici doonta iyo goobta ay ku xiran tahay inay labada dhinac ee Federaalka Soomaaliya iyo Soomaliland ay ku heshiiyaan.
Shuruuda Soomaaliland
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland ayaa sheegay in wadahadalka u dhaxeeya Federaalka iyo Soomaaliland ay ku xiran tahay shuruud ah inaysan marnaba miiska wadahadalka aysan la fariisan doonin Wax wasiiro ah oo kasoo jeeda deegaanka Soomaaliland.
Wuxuu sheegay in shirarkii hore ee ka dhacay Ingiriiska iyo Imaaraadka ay kasoo baxeen qaabkii ay u wada hadli lahaayeen isla markaana ay horey shirarkaasi ugu cadeysay inaysan marnaba ogoleyn inay la fariistaan xubno Soomaaliland kasoo jeeda oo dhinaca Federaalka shirarkaasi uga qeyb gala, asagoo intaasi raaciyey inaan marnaba dib arrintaasi loogu noqon doonin oo aysan dood danbe ka yeelan doonin.
Wasiirka Soomaaliland ayaa xiligii uu ku sugnaa Ingiriiska waxaa sidoo kale halkaasi booqasho ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowlada Federaalka Fowsiya Yusuf oo Dowlada Ingiriiska kala kulantay soo dhaweyn heer sare ah, isla markaana kulamo la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkaasi Mr.Willam Hague.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments
waxaan u jawaabaya hadaalka kaso yeeraya besha isaaq ee isku magacoda dowlada meshan ciidna ma amrii kartan waxa ishaysana wa hartiwaqoyi oo degan degana sool sanaag iyo burco qaybánkule nahay isaaqow xaduuban tagaya awoodadii laascanood bad kuhaysan la dahay hadii ciid xoog lagu haysankarana ana kugu haysan laha adiiga oo xukumii jiiray ila lowya cado waxan ku leeyahay cabadka iskada marna taagta marna tamatra waxa hayso soriid shiirkana wxa kula hadlaya dr cali khaliif galayr iyo dr ahmed cawad casharo